-1.7 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Yaa Qabanaya xilka Manchester United,yaase si kumeel gaar ah u heynaya inta macalin rasmi ah laga soo magacaabayo??

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:57 Second

Manchester United ayaa boorsadaada xirxiro dhahday Jose Mourinho kaddib guul daradii foosha xumeyd ay kala kulmeyn kooxda ay sida wayn u coltamaan ee Liverpool.

Warbixin ay Red Devils ku baahisay baraha Bulshada ayaa lagu shaaciyay in Jose uu kooxda ka tagay iyagoona guul u rajeeyay mustaqbalka Jose Mourinho.

Sidoo kale kooxda ayaa ku sheegtay bayaankeeda in macalin ku meel gaar ah uu xilka sii qaban doono ilaa dhammaadka kal ciyaareedkan, ilaa kooxda loo magacaabayo macalin si rasmi ah xilka u qabta.

Tababare ku xigeenka Mourinho isla markaana ah rugcadaa kooxda soo maray ee Michael Carrick ayay u badan tahay inuu si ku meel gaar ah u sii qaban doono xilka Manchester United ilaa dhammaadka kal ciyaareedkan.

Halka Zinedine Zidane iyo macalinka Tottenham Mauricio Pochettino ay yihiin macalimiinta u sharaxan inay si buuxda ula wareegaan xilka Old Trafford.

Macalinka laga ceyriyay shaqada Red Devils ee fadhisa kaalinta 6-aad ayaa lagu wadaa inuu jeebka ku shubto adduun dhan 22.5-milyan oo bound maadaama ay kooxdu wali ciyaareyso tartanka Champions League.

Mourinho ayaa la soo sawiray isagoo ka soo baxaya xerada tababarka ee Carrington, daqiiqado yar kaddib markii xilka laga Xayuubiyay.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!