XOG XASAASI AH : Al-Shabaab Iyo Dowladda Way Isku Dhex Milmeen.

Waxaa isku dhex milmay hey`addaha dowladda iyo Alshabab, waxayna Alshabaab gudaha dalka ay ku leeyihin Goobo ganacsi oo waaweyn. Waa xog ay khuburo ka socda Qaramada Midoobay ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka.

Khubaradan xogta ay gudbiyeen ayaa ah mid cabsi badan, iyagoo ay sheegen in ay isku dhex milmeen hey`addaha dowladda iyo ururka Alshabaab.

warbixinta ayaa sidoo kale waxay tibaaxaysa in Alshabaab gudaha Soomaaliya ay ku leeyihin shirkaddo maalgashi oo ka caawiya dhaqaalaha, waxayna lacago ay dhigtan bangiyada ku yaalla gudaha dalka haba ugu badnaato magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sidoo kale lacago canshuur ah ka qaada goobaha kala duwan ganacsiga Muqdisho sida:-

Bangiyada,Shirkadaha Isgaarsiined, Farmashiiyada,Garoomada Salaxa iyo shaqsiyaad ka tirsan dowladda oo ay ka qaadan lacago si amnigiisa uu u noqdo mid nabad ah.

Xogtaan ay khubarada hordhigeen golaha ammaanka ayaa keenaya mid cabsi badan geliya dad badan.

Khubarada ayaa ka kooban lix, wuxuuna fadhigooda uu yahay magaalada Nairobi
ee dalka Kenya.

December 2019 ilaa Augusto 2020 ayee Alshabaab gacanta ku dhigeen 13 milyan oo Doollar ah, waxaana warbixinta lagu sheegay in 128 Rasiit lagu sameeyay Baaritaano, kuwaas oo dhamaantood cadeynaya macaamiiltanka Alshabaab ay la leeyihiin ganacsiyada dalka ka jira oo ay ugu horeeyo bangiyada iyo ganacsiyo badan oo ay maalgashteen.

Arrintan waxay dowladda Soomaaliya ku noqon doonta dhabar jab, xilli ay dowladda ay iska indho tirtay awaamiir ay Alshabaab kasoo saaren garoomada salaxa ah, iyadoo hadda Alshabaab u suura gashay inay canshuuro ka qaadan garoomadaasi.

Waxyaabaha dowlada dhabar jab ugu noqon karta ayaa ah, in magaaladii caasimada ahayd ay gacanta ugu jirto Alshabaab weliba qaab xeeladeesan iyagoo dhaqaalo badan kasoo saara Muqdisho.

 

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan