Global Statistics

All countries
195,407,759
Confirmed
Updated on July 27, 2021 8:44 am
All countries
175,514,510
Recovered
Updated on July 27, 2021 8:44 am
All countries
4,183,523
Deaths
Updated on July 27, 2021 8:44 am

Global Statistics

All countries
195,407,759
Confirmed
Updated on July 27, 2021 8:44 am
All countries
175,514,510
Recovered
Updated on July 27, 2021 8:44 am
All countries
4,183,523
Deaths
Updated on July 27, 2021 8:44 am

XOG: Abaabul siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu soo koobo deegaan doorashada dalka oo socda

Muqdisho(Weheliye Online)-Magaalada Muqdisho waxa lagu wadaa in maalinta Sabtida ah uu ka dhaco shir u dhaxeeya Ra’isul wasaare Rooble,Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir oo laga arrinsan doono arimaha doorashooyinka iyo waxii ka qabsoomay heshiiskii 27-kii bishii may ay ku gaareen xerada Afisyooni.

Ra’iisal Wasaare Rooble iyo masuuliyiinta kale ayaa qalinka ku duugay shan qodob oo heshiiskaasi muhiim u ahaa, kuwaa oo kala ah tubta xalinta cabashada la xiriirta Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, hannaanka xalinta khilaafaadka Gobolka Gedo, xal u helidda Guddiga Maamulka Doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, qoondada haweenka iyo in lixdan cisho doorasho lagu qabto.

Dhamaan heshiisyadii ay wada gaareen Rooble iyo Madaxda kale ee dalka waxa lasoo warinayaa in ilaa hadda uu ka hirgalay hal Qodob oo ah xalinta cabashada la xiriirta Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, oo Dowlad Goboleedyada ay soo wada gudbiyeen, iyadoona Ra’iisal Wasaaruhu uu Sabtidii magacaabay Guddiyada Doorashooyinka & Xalinta Khilaafaadka.

Inta taxliisa siyaasad iyo dhamaan Madaxda dalka waxa ay ogyihiin Madaxdu waxay garwaaqsan yihiin inaanay lixdan cisho ku qabsoomi karin Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada, waxayna mar kale qorsheynayaan inay jiheeyan doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay daneynayaan in lix deegaan doorasho lagu soo koobo doorashooyinka, bedelkii kow iyo toban goobaad lagu qaban lahaa, si lamid ah doorashadii 2016 oo lix goobood ay ka dhaceen.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la fahamsan yahay in uu cadaadis ka haysto Magaalada Garbahaarey, iyadoo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu door bidayo in doorashada laga soo wareejiyo Baraawe, sababo ku aaddan amnigeeda oo uu ka walaacsan yahay, halka Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu walaac ka muujinayo Beledweyne, haddii dadka deegaanka ku kala qaybsamayn dhismaha maamulka uu Madaxweynuhu ka yahay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay u badan tahay in madaxdu isu raaci doonaan in lix goob doorasho lagu soo koobo doorashooyinka dalka, haddii muddada shirka uu socdo aanay arrimo kale soo bixin, kuwaas oo kala ah Muqdisho, Baydhaba, Kismaayo, Jowhar, Dhuusomareeb iyo Garoowe. 

“Dabcan haddii khasab looga dhigo inay lixdan maalmood doorashada ku qabtaan, ayagana xaq waxay u leeyihiin inay yiraahdaan hala soo koobo deegaan doorashada, ayadoo waqtiga yar ee harsan la eegayo,” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Dadka u dhuunduleela arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa sheegaya inay arrintani mucaaradad kala kulmi doonto bulshada qaybteeda, waa haddii deegaan doorashada la soo koobo, isla-markaana ay baalmarsan tahay heshiiskii September 17.

Marxaladaha ku gadaaman doorashada sanadkan ayaa ka dhigaysa inay Soomaaliya wajaheyso doorashadii ugu adkeyd, tan iyo dib u yegleelidda dowladnimadeeda, muddo kow iyo labaatan sano laga jooggo.

Weheliye Online+Caasimada Online

spot_imgspot_img
spot_img

Hot Topics

Related Articles

error: Content is protected !!