spot_img
spot_img

Xildhibaano si adag uga hor yimid go’aankii looga joojiyey kulamada golaha shacabka

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Qaarka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday ayaa si adag uga hor yimid xayiraad uu guddoonku ka saaray ka qeyb-galka shanta kulan ee soo socota.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa saxiixay warqad shanta kulan ee soo socota lagu dhaafinayo illaa 15 xildhibaan.

Inta badan xildhibaannadaas oo ka fal-celiyey tallaabadaas ayaa sheegay in awoodaas uusan laheyn guddoomiye Maxamed Mursal, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay doora doonaan guddoon cusub.

Xildhibaannaasi waxaa ka mid ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig, wareysi uu siiyey BBC ayuu ku sheegay in aysan jirin wax laga mamnuucay, laakiin ay arkeen warqadda ka soo baxayday xafiiska guddoome Mursal.

“Warqadda waan aragnay laakiin ma ahan warqad macna sameeynaysa oo naga joojinayso kala fadhiyada, sida caadiaga ahna baarlamaanka iyo guddoonka hadda jooga ma jiraan fadhiyo, hawl iyo shuruuc ay hadda qabaan karaan. Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad waxa ay doonayaan in sac baqtiyay ay caano ka maalaan marka hadalkooda wax macno ah ma sameeynayo,” ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook isna waxuu ku yiri, “Sharaf iyo karaamo ayey inoo ahayd aniga iyo sxbada halkaan ku xusan iyo kuwa aan ku xusnayn ee maanta ku guulastay in ay fashiliyaan muddo kororsiga ay doonayeen kuwa matalaadi shacanka ku iibsaday sanbuuska ee uu hormuudka u ahaa Maxamed Mursal oo ku shaqayna fikirka guracan ee Farmaajo, waxaana aaminsanahay in aan marna dalkaan ka hirgeli doonin mudo kororsi waana ku hungoobi doonaan, Balse wixi dhacay maanta waxaa ay shacabka bareen wejiyada runta ah ee Farmaajo iyo Mursal, sidoo kale Waxaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan marna warqadani naga hor istaagi doonin gudashada waajibaadkeena.”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu ka talinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda!”

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!