spot_img
spot_img
0 0

Xildhibaan lagu toogtay magaalada Baydhabo,iyo xaalada magaalada oo faraha ka baxday

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:34 Second

War goor dhaw naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegay in ciidamo boolis ah ay toogasho ay ku dileen xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka latoogtay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub,sidoo kalana ahaa guddoomiyaha guddiga Amniga Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka xildhibaanka ayaa ku soo beegamaya xili ay ka socdaan magaalada Baydhabo rabashado xoog leh oo ay dhigayaan dad ka carreysan xarigga Mukhtaar Rooboow, waxaana guud ahaan magaalada ka soconaya rabashado ay dhigayaan taageerayaasha Waddaadka xiran.

Dadka rabshadaha dhigaya ayaa sii kordhaya iyagoo kasoo horjeeda xariga wadaadka Mukhtaar Rooboow

Ciidamada amaanka ee magaalada Baydhabo ayaa la tacaalaya sidii ay ugu hortagi lahaayeen rabshada kasoo cusboonaaday magalada baydhabo

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!