XASUUQI SOOBE WELI QALBIGEYNA KAMA GO`IN

0
180
0 0
Read Time:2 Minute, 36 Second

Waxaa Seddex sano laga jooga markuu dhacay Qaraxii lagu hoobtay ee Zoobe.
14 October 2017 ayee ahayd maanto kale ayeena ku beegan tahay.

Gawaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan isgooyska soobe, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 587 qof ayna ku dhaawacmeen 316 kale.

Gaariga xamuulka ee qarxay, ayaa si awood leh usoo galay goobta uu ku qarxay
markii darawalku, uu isku dayay inuu ka baxsado ciidamada amniga.

Qaraxa inuu Saameyn weyn yeesho ayaa ka dambeysay booyad shidaal ah oo taagneyd meel u dhow goobtii uu gaariga isku qarxiyay , taas ayaana keentay in saameynta qaraxa ay badato.

Ilo wareedyo ku dhow dhow dowladda ayaana xiligaasi sheegay in gaariga xamuulka ah
ee qarxay uu saarna 350 kg oo walxaha qarxa ah.

Baabuurka xamuulka ah ayaa muddo kooban lagu hayey bar kontorool,
laakiin waxaa loo oggolaaday inuu sii socdo ka dib markii ciidanka amniga ay xaqiijiyeen.

markuu kasoo gudbay koontoralkasi, ayaa mar kale waxaa joojiyay saraakiisha amniga, xiligaasi isgooyska soobe wuxuu ahaa mid mashquul badan Markii la rabay in la baaro, darawalku wuu xawaareeyay wuxuuna wada jiidhay dhamaan gaawaridii hor tiilay,
kadibna wuxuu isku simay Isgoyska sidaas ayuuna gaarigii ku qarxay.

Mar keliya waxaa is bedalay jawiga Isgooyska Soobe , Qiic ayaa hawada isku shareeray, Hoteelkii Safari ayaa gabi ahaanba dumay, dad badan ayaa ku xanibmay burburka hoostiisa, Waxaa bad-badaayay sida raashiinkii oo kale hilibka dadka ,
wuxuuna dhuulka noqday mid wada go`a.

Saraakiil ka tirsanaa dowladda ayaa sheegay xiligaasi in bartilmaameedka weerarku uu ahaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo aad loo ilaaliyo, halkaas oo ay ku sugan yihiin Qaramada Midoobay, safaaradaha ugu badan, waxaana ku yaalla xarunta ugu weyn ee AMISOM.

4 Maarso 2018, ayaana la xaqiijiyay in ugu yaraan 587 qof ay ku dhinteen Qaraxa.
dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ahaa shaqaale dawladeed oo sarsare,
shan mutadawiciin caafimaad, wariye, nin Mareykan-Soomaali ah, arday baratay caafimaadka iyo Caruur.

Wadarta dhimashada guud ee dhabta ah waligeed lama ogaan karo , maadaama haraaga dad badan aan la helin.

meel ka fog goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa lagu arkay Hilbo , taas waxay muujinaysa qaraxa inuu ahaa midka ugu xoogana Soomaaliya.

Ilaa iyo 160 meyd ah lama aqoonsan karin, waxaana la aasay maalmo kadib qaraxa.
In kasta oo aysan jirin koox qirtay mas’uuliyadda qaraxaasi hadana mas’uuliyiinta dowlada waxay rumeysan yihiin in weerarka uu qaaday unug ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Bishii Febraayo 2018, maxkamada gobolka Banaadir ayaa dil ku xukuntay laba qof oo lagu helay doorkii ay ku lahaayeen qaraxyada.

Xiligasi Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah. Isaga iyo boqolaal kale oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ku deeqay dhiig.
“Weerarkan foosha xun ee maanta wuxuu caddeynayaa in cadowgeennu joojin doonin (dhiig daadinta) dadkeenna ,Aynu u midowno ka hortagga argaggixisada,” waa hadaladii kul kulula ee uu madaxweynaha JFS u jeediyay shacabka.

Haddaba Maanta oo ah 14 Octoober 2020 ayee ku beegan tahay markii uu isgooyska soobe ka dhacay qaraxa weyn 14-kii Octoober 2017.

waxayna maalintan noqotay mid quluubta shacabka aysan ilaabaynin.

XASUUQI SOOBE WELI QALBIGEYNA KAMA GO`IN
Ahmed Mido

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %