spot_img
spot_img
0 0

Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Xisbiga UPD Oo Booqasho ku tagay Kismaayo+sawiro

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:52 Second

Madax weynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD)   ayaa daqiiqado ka hor gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kismaayo loogu soo dhaweeyay si heersare ah waxana soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay Madax weynaha maamulka Jubbaland Axmed islaam axmed madoobe .

Mudane Xasan Sheekh waxaa la socdo Xildhibaanno golaha shacabka ah sida Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Yare iyo Senatorro ay ka mid yihiin: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto.

Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay sidii uu guddoomiyaha isbaheysiga UPD ula kulmi lahaa mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Jubbaland, waxaana laga yaabaa inay qaadato wax ka badan 2 maalin.

Xisbiga UDP, waxaa lagu dhawaaqay October 4, 2018, Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Mudane Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu booqdo dhamaan maamulada dalka kaas oo uu kala hadlayo dardar galinta Xisbiga UDP oo uu hogaanka u yahay xasan shiikh

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!