Xafiiska Ra’iisul wasaareha oo laga Nadiifiyay la-taliyaashii hore ee Kheyre(Akhriso xubnaha shaqada ka tagay iyo sababta ay ugu tageen).

0
137
0 0
Read Time:1 Minute, 45 Second

Marxalad cusub oo aan horay loo arkin ayuu galay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Kadib markii Baarlamanka Somalia ay codka kalsoonida kala noqdeen Ra,iisul wasaare Xasan Cali Kheyre 25 july 2020.

Waxa xafiiska si kumeel gaar ah ku sime ka noqday ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed kadib markii uu si layaab leh u magacaabay Madaxweyne Farmaajo,Saacado kadib waxa uu xilka ka qaaday xog hayaha joogtada ah ee xafiiska Axned Nuur Cabdi,waxana jagadaas loo magacaabay masuul ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada C/risaaq Xuseen Caato Kaas oo isku heyb yihiin madaxweynaha.

Intaas kadib waxa shaqaalaha xafiiska iyo la taliyaashii hore ku socday culeys siyaasadeed oo ay saartay madaxtooyada kuwaas oo aakhirkii sababtay in xilka iskaga tagaan.

1:- Xoghayihii joogtada ee xafiiska Ra’iisul wasaare Axned Nuur Cabdi waa shaqsiga kaliya ee xilka laga qaaday.

2:- yaxye cali hareri La-taliyihii Ra’iisul wasaarihii hore ee u qaabilsanaay Arimaha Siyaasada waxey is qabteen xoghaya cusub Ra,iisul wasaare Rooble , sidaas ayuu xilkiisa ku waayay.

3:-Cali Nuur Salaad Madaxii warfaafinta xafiiska waxa uu baahiyay in shaqada uu ugu tagay
Cadaadis ku yimid.

4:-DR:- Maxamed Xasan oo ahaay xiriiriyaha tubta arimaha bulshada ayaa shaqada iska casilay.

5:-Liibaan cabdullahi xuseen oo xafiiska u qaabilsanaay la-taliyihii amniga iyo Dib u habeynta Caasimada ayaa isna xilka ka tagay kadib markii uu faragalin kala kulmay Madaxtooyada.

6:-Samira Geyd oo aheeyd gabadha kaliya oo aheyd la-taliyaha qaaska ah ee Ra’iisul wasaaraha ayaa xilka si iskeed u baneysay.

7:-cabdi xariir Baaruud ayaa la sheegay qofka ugu dambeeyay ee xilka ka tago waxana la sheegay in uu ahaay La-taliyaha qaaska ah Ra,iisul wasaarihii hore.

8:-Abdiraxman Shariif waa shaqsiga kaliya ee ka haray la-taliyaashii Ra’iisul wasaarihii hore waxana la dhowrayaa in uu maro jidkii ay mareen sxbadii.

Marka uu masuul cusub uu yimaado xafiiska in la sifeeyaa shaqsiyaadkii la soo shaqeeyay masuulkii hore somalia waxey ka noqotay dhaqan siyaasadeed soo jireen ah tan iyo dowladihii KMG.

Ra’isul wasaaraha cusub ayaa isna bilaabay in uu keeno xubno cusub kuwaas oo la shaqeyn doona inta uu joogo xafiiska.

Weheliya Online.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %