Xaalad Xasaasi Ah Oo Ku Aadan Guddoomiye Gacal Oo Laga Dareemaya Magaalada Dhuusamareeb.

Sida aynu wararka ku heleyno Magaalada Caasimada u ah Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo looga soo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkasi Maxamed Nuur Gacal.

Qaar ka tirsan Xildhaabanada Maamulkasi ayaa Ka careysan Shaqo joojin uu guddoomiye gacal ku sameeyay Mid ka mida xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Arrintan ayaana keentay in shirar gooni gooni ah uu u bilowdo xildhibaanada maamulka Galmudug, iyadoo maanta magaalada Dhuusamareeb ay ka socoto dhaq dhaqaaqi ugu darna.

Guddoomiye Gacal ayaa shaqada ka joojiyay Xildhibaan Cabdullaahi Axme Calasow oo sidoo kale ah Wasiiru dowlaha wasaarada Amniga ee maamulka Galmudug.

Calasow oo ka mid ahaa tiro xildhibaano ah oo beryahan waday qorsho xilka looga qaadayo Guddoomiye Gacal, balse guddoomiyaha ayaa sameeyay arrintan oo ay xildhibaano badan ka xanaajisay.

About A.Hussein 1123 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan