Willian Oo Go’aan Ku Gaadhay Inuu Ka Tago Chelsea

Xidiga xulka qaranka Brazil Willian Borges ayaa go’aansaday inuu ka tago kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chelsea inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga ee kala iibsiga ciyaartoyda, sidaas waxaa laga soo xigtay saxaafada dalka England

Wargeyska “Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday maanta oo khamiis ah in kooxaha Barcelona iyo Manchester United 29 jirkan reer Brazil ee Willian Borges, waxayna labada kooxood isku dayayaan inay ku qanciyaan inuu dhaqaaqo.

Kooxda reer Catalonia ayaa waxay dalab ka gudbisay  29 jirkan reer Brazil, halka Jose Mourinho uu qeyb ka noqday loolanka, wuxuuna maamulka kooxda Manchester United ka codsaday inay sameeyaan wax walba oo muhiim ah si ay ula saxiixdaan isaga.

Sida laga soo xigtay Ilo wareedyo xog ogaal ah, Willian ayaa u sheegay madaxda Chelsea inuu doonayo inuu u dhaqaaqo koox kale, islamarkaana uu raadsado tartan cusub ee ka baxsan horyaalka Premier League sababa la xidhiidha inuusan dooneyninin kooxda Blues uu kaga hor yimaado tartamda gudaha England.

Wararka ayaa waxay xaqiijiyaan in ciyaaryahanka reer Brazil uu go’aansaday inuu ka tago Chelsea inkastoo uu yimid macalinka cusub ee Maurizio Sarri, kaasoo u balan qaaday inuu siin doono fursad ka badan kuwii hore xili ciyaareedka cusub ee soo aadan

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

3 Comments

  1. 649489 185256Your weblog is one of the far better blogs Ive came across in months. Thank you for your posts and all of the very best together with your work and blog. Looking forward to reading new entries! 466318

Comments are closed.