Wiilka Uu Dhalay Madaxweyne Trump Oo Laga Helay COVID-19

0
80
0 0
Read Time:39 Second

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump wiilkiisa 14 jirka ah ee Barron ayaa laga helay cudurka halista badan ee Covid-19 , laakin ma uusan soo bandhigin wax caalamado ah, waxaana arrintaasi shaacisay marwada koowaad ee Melania Trump.

” Nasiib wanaag waa wiil dhalinyaro ah oo xoog leh mana muujin wax calaamado ah,” Melania Trump ayaa sidaasi ku tiri hadal ay soo saartay.

Madaxweyne Trump ayaa ka sheegay isku soo bax ka dhacay Magaalada Des Moines in wiilkiisa Barron uu hadda fiican yahay wuxuuna sheegay inay tusaale u tahay sababta ay tahay in iskuulada dib uu u furmo.

Trump oo hadlay ayaa sidoo kale yiri, ” Xitaa uma maleynayo inuu ogaa inuu ku dhacay cudurka , maxaa yeelay waa da`yar oo waxaa xoog leh difaaca jirkiisa, marka halaga celiyo caruurta Schoolada.”.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %