-1.7 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Waxa si weyn loo adkeeyay Amaanka Magaalda Baydhabo oo la filayo in maalinta berri ah ka dhacdo dorashada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:45 Second

Waxa aad loo adkeeyay amaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada heer federaalka iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed,oo gacan ka helaya ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa aad u adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Wararka aan ka heleyno Magaalada ayaa sheegaya in ciidamo badan lagu arkayo xaafadaha magaalada Baydhabo iyo sidoo kale waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi.

Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka isticmaalaya magaalada,waxana lagu soo waramayaa in la xadiday isku socodka xaafadaha ka agdhaw madaxtooyada.

Ulajeedka howlgalladan ayaa ah in lagu xaqiijoyo amaanka doorashada la filayo in maalinta berri ah ka dhacdo magaaladaasi, waxaana ku tartami doona Shan Musharrax.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa doorashadaasi si awood ah waxay uga reebtay musharra Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo weli Xamar ku xabisan,kaas oo la rumeysan lahaay in uu kusoo bixi lahaay doorashada bari ka dhaceysa Magaalada Baydhabo.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!