Wasiirkii hore Arimaha gudaha Somaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo leyskugu keenayo labada garab ee maamulka Galmudug

Cabdrixamaan Maxamed Odowaa Wasiirkii hore Arimaha gudaha Somaliya haatane ah xildhibaan Golaha shacabka Somaliya,ayaa sheegay in dadaalo lagu dhameynayo qilaafka Galmudug uu ka wado deleganada Maamulkaasi.

Mr Odowaa oo ku sugan magaalada dhusomareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa xusay in labada garab ee Galmudug uu u dhaxeeyo is mariwaa xoogan balse uu ku dadaali doono sidii uu u dhameyn lahaa qilaafkaas.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in Galmudug la samata bixiyo xiligaan oo uu hareeyay qilaaf in mudo ah.

Xaalada Galmudug ayaa aad u cakiran ka dib markii uu maamulka ukala jabay laba garab oo fadhiyadooda kala yihiin cadaado iyo dhuusamareeb.

Dowlada Dhaxe ee soomaaliya ayaa sheeda ka eegeysa Garabyada isku haaya xilka maamulka Galmudug mana jirto wax dhax dhaxaadin ah oo ay ka dhax wado.

About A.Hussein 1134 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan