-1.7 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle oo xilka qaadis ku sameeyay duqii degmada Beledweyne Cali Cabduqaadir Sandheere

Must read

Read Time:41 Second

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaarradda arrimaha Gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii duqa degmada Beledweyne looga qaaday Cali Cabduqaadir Sandheere, kaddib khilaaf xoog leh oo soo kala dhax-galay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo mas’uulkan xilka laga qaaday.

Wareeg-tada ayaa sidoo kale Khadar Xassan Afrax loogu magacaabay in uu noqdo duqa cusub ee degmada Beleweyne, isaga oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka maaliyada degmada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa eedeyn kulul u jeediyay duqa degmada ee xil ka qaadista lagu sameeyay isaga oo faray laamaha amniga in xabsiga loo taxaabo, laakiin eedeyn guddoomiyaha waxaa diiday Cali Sandheere oo sheegay in guddoomiyuhu weerar cad ku soo qaaday xafiiska maamulka dowladda hoose ee degmada Beledweyne.

Xilka qaadistaan ayaa la filayaa iney soo af garto qilaaf baryahaan ka taagnaay Gobolka Hiiraan.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!