spot_img
spot_img
0 0

Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Kenya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho iyo farriin ay u siddo Farmaajo.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:39 Second

Wasiirka Arimaha dibadda dalka Kenya Raychelle Omamo iyo wafdi balaaran oo ay hogaamineyso ayaa soo gaaray magalada Muqdusho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdiga ka socday dalka Kenya waxa garoonka Magalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya C/risaaq Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.

Raychelle Omamo iyo wafdigeeda ayaa loo galbiyay wadaxtooyada soomaaliya,halkaas oo ay kulamo gaar ah kula qaadan doonto Ra’isul wasaare Rooble,waxana la filayaa in ay salaan ugu tagto madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka arimaha dibadda Kenya ay fariin ka siddo wadaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyyata ay u gudbin doonto Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Imaantiga wafdiga ka socdo dalka Kenya ayaa ku soo aadaya xilli xalay madaxweyne Farmaajo uu soo saaray digreeto madaxweyne oo lagu maamnuucayo in ay hey,adaha dalka ay galaan heshiis iyo is afgarad.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!