spot_img
spot_img

Wasiirka Amniga Koofur galbeed oo amray in la dardar galiyo laamaha amaanka magalada Baydhabo.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wasiirka Amniga maamulka Koofur Galbeed Somalia Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa soo saaray amaro ku saabsan doorashada dhawaan lagu wado iney ka dhacdo Baydhabo  KGS.

Wasiirka ayaa faray laamaha ku shaqada leh amniga in ay dardar galinta shaqada ay bulshada u hayaan iyo xaqiijinta amaanka guud ee magalada Baydhabo.

Wasiirka oo fulinaya amarkii ka soo baxay Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen sugida amniga magaalada Baydhabo, inta lagu guda jiro doorashada.

Waxaa uu ugu baaqay Musharaxiinta Madaxweynaha inay ka qeyb qaataan xaqiijinta amniga, isla markaana ay kala shaqeeyaan laamaha amniga.

“Musharaxiinta iyo shacabka Koofur Galbeed waxaa fareynaa inay ka qeyb qaataan xaqiijinta iyo sugida amniga, waxaa rajeyneynaa in doorashada ay si nabadgelyo ah ku dhacdo”ayuu yiri Wasiirka Amniga Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in aan la ogolaan doonin shaqsiyaadka nabadgelyada Koofur Galbeed wax u dhimaya, isagoo ka dalbaday Musharaxiinta in aysan ku xadgudbin hanaanka amniga lagu xaqiijinayo.

Wasaaradda Amniga gudaha ee dowladda Federaalka ayaa qoraal shalay ka soo baxay waxay ku sheegtay inay jiraan shaqsiyaad ku howlan handadaada bulshada iyo fal dambiyeedyo ka dhan ah xasilloonida iyo degenaanshaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, inkastoo aanay carabaabin shaqsiyaadka.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa inay dhacdo 5-ta bishan, waxaana si aad ah isha loogu haaya doorashada, iyadoo dad badan walwal ka qabaan Musharaxiinta qaar oo hub iyo ciidamo fara badan heysta

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!