Wasiir Fiqi “Gulufka waa sii socon doona ilaa dadkeenu ka helaan Xoriyad Nololeed ” iyo Al-shababkii ugu badnaay oo iska baxay deegaano dhowr ah.

0
264
0 0
Read Time:58 Second

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo war fidiyeenka la hadlay ayaa sheegay iney ku howlan yihiin sidii shacabka reer Galmudug ay u heli lahayeen ku noolaashaha xoriyad buuxda dhamaan dagmooyinka Galmudug.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay ayaa sidoo kale sheegay in gulufka dagaalka ay kula jiraan dagaalamayaasha Al-shabaab ay sii socon doonaan ilaa dadka reer Galmudug ay ka helayaan xoriyad nololeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan dooneyno waa xoriyad dadkeenu helaan, waana sii soconaya gulufka dagaal, hada waxaan kasoo xureynay cadawga deegaano badan oo dadka ku dhibaateyn jireen oo ay dadka iyo xoolahoodaba ay ku xukumen, hada wan ka soo xureynay dadka deegaanada Qeycad iyo Camaara inta kale ee wali ay dhibateynayaana wan ka xureyneyna” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Xooga Dalka SNA oo is kaashanaya ayaa dagaal xoogan ku qaaday fadhiisimo ay lahaayeen Al-shabaab,waxeyna ka xureeyeen deegaano dhowr ah oo ay ka talin jiriin Al-shabaab.

Maamulka Galmudug ayaa mudo laba bilood ku dhaw dagaalo xiriir ah kula jira Al-shabaabka ku sugan deegaanada Galmudug, waxayna gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah oo horay uga talinayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %