-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Wasiir Dubbe ” Ma rabo in aan madaxweynayaasheenii hore ku dhax aragno Isbaheysiyo doorasho diid ah oo meelaha yaac-yaacaya.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:1 Minute, 36 Second

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa meesha ka saaray doodda hay’adda dowladdu waqtigoodu dhamaaday, islamarkaana sharci darro tahay in ay sii shaqeeyaan.

”Haddii aysan Hay’adda Dowladdu shaqeyn yaa Baddeena ka hadli lahaa,, haddii aysan hay’adda dowladdu shaqeyn yaa nabad-galyada noo sugaya, haddii aysan hay’addaha dowladdu shaqeyn yaa Abaaraha u gurmanaya, yaa Askariga iyo shaqaalaha mishaar siinaya, sidaa daraadeed dowladdu wey shaqeyneysaa, dhinaca kalana waxaa ay diyaar u tahay in ay doorasho qabato” ayuu yiri Wasiir Dubbe

Mar uu soo hadal qaaday ciidamada ay dowladdu ku daabuleyso gobolka Gedo ayuu ku sheegay in ay tahay qeyb ka mid ah sugida nabadgalyada, ” waad ogtihiin waxa ay halkaa ka samey-nayaa Al-shabaab iyo duulaanka ka socda dhinaca xadka oo carruurtii lagu leynayo marka dowladdu mar walba waxaa saaran mas’uuliyad dhinaca nabadgalyada ah, gargaarkiina waa la geeyay oo waad ogtihiin dhawaan waxaa ka soo laabatay Wasiirkii Gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye, ilaa 50 gaadiid gargaar siddana  waa ay gaareen gobolka” ayuu hadalkiis sii raaciyay Wasiirka.

Mar uu soo hadal qaaday Isbaheysigii dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee ” Badbaado Qaran” ayuu yiri ” Runtii shacabka Soomaaliyeed wey ka naxeen markii ay maqleen arintan, waxey soo xasuusteen isbaheysiyo hore oo dalkan ceel dheer ku riday, madaxweynayaasheenii hore waxey naga mudan yihiin ixtiraam, laakiin ma rabo in aan aragno madaxweynayaal hore oo meelaha yaac-yaacaya oo ku jira isbaheysiyo doorasho diid ah” 

Siyaasiyiinta mucaaraadka ayaa marar badan oo hore ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu qaadanayo go’aamo qaldan oo aan sharcigu u ogoleyn madaama uusan xiliggan aheyn madaxweyne rasmi ah, balse yahay madaxweyne xil gaarsiin ah oo aan waxba ka duwaneyn musharixiinta kale ee xilka madaxweynaha.

Hasse ahaatee Wasiir Dubbe ayaa sheegay in doodda siyaasiyiinta mucaaradku aheyn mid micno badan ku fadhida, islamarkaana hay’adda dowladdu ka shaqeynayaan sugida Amniga dalka iyo shaqooynka kale oo hor yaala, iyadoo dhinaca kalana loo diyaar garoobayo doorasho.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!