Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug Oo Maanta Baarlamaanka Hordhigtay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Ciidanka.

0
213
0 0
Read Time:26 Second

Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulka Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa ku guuleystay in uu Baalamanka Galmudug hordhigo Hindise sharciyeedka Ciidanka Booliska Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay inay Galmudug yeelato ciidamo nabadgalyo oo isugu jira Boolis, Birmad ,Nabadsugid iyo Asluubta.

Wuxuuna sidoo kale wasiirka codsaday in ay sharcigan waajibkooda dastuuriga ka gutaan ayna ansixiyaan inta lagu guda jiro kalfadhiga 2aad.

Sharcigan la horgeeyay Baarlamaanka wuxuu ka kooban yahay 14 cutub iyo 82 qodob oo dhamaantooda ka hadlaya waajibaadka iyo xuquuqda ciidamada Booliska Galmudug.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %