spot_img
spot_img

Wasaarada Arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle oo xilalkii ka qaaday Gudoomiyaasha Dagmooyinka Bula-Burte , Jalalqsi iyo masuuliin loo magacaabay

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wareegto kasoo baxday Wasaarada Arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle waxa ay xilkii looga qaaday gudoomiyaha degmada Bula-Burte.

qoraal ka soo baxay xafiiska wasaarada aarimaha gudaha maamulka Hirshabeelleayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday gudoomiyaha Cabdi Daahir Guure (Karoore)

Waxana xilkaas loo magacaabay Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi oo noqonaya Gudoomiyaha cusub ee dagmada degmada Bula-Burte.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu magacaabay gudoomiye kuxigeenka amniga degmada Bula-Burte ee gobolka Hiiraan Cismaan Geedi Cilmi oo horay u soo noqday duqii degmada Bula-Burte.

Wasaarada Arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle ayaa u muuqata iney ka shaqeyso kaliya Gobolka Hiiraan,Taas oo ay kasoo saarto isbadalo dhanka maamulka.

Wareegtada Labaad:Jalalqsi

Wareegtada labaad oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalkii looga qaaday guddoomiyayaashii degmooyinka Buula-burte iyo Jalalqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana wareegtada lagu magacaabay guddoomiyayaal cusub.

Gudoomiyaha  Degmada Jalalaqsi ayaa loo Magacaabay Maxamed Nuur Cagajoof
Akhriso magacaabista guddoomiyayaasha cusub :
- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!