Wararkii ugu dambeeyay Xiisada dagaal ee gobolka Tigray-ga oo sii xoogeysaneysa

0
57
0 0
Read Time:43 Second

(Weheliye Media INC)-Waxaa sii xoogeysana dagaalka u dhaxeeya ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo jabhada TPLF ee ka dagaalamaya gobolka Tigray-ga ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa ku eedeeyay ismaamulka Tigray-ga in ay waddaan wax uu ku tilmaamay qiyaabo Qaran iyaga oo doonaya ayuu yiri bililiqeystaan hanta Qaranku leeyahay, waana tan keentay in ra’iisal Wasaaruhu ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya u fasaxo in ay howlgal ka sameeyaan gobolka.

Ismaamulka Tigray-ga ayaa wada abaabul ciidan kuwaas oo doonaya in iska caabiyaan ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya oo dagaal qaraar ku dhaxmarayo gudaha Dalka Itoobiya.

Dhanka kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la joojiyo xabbada, Xisbiga TPLF ayaa sanado badan awood xooggan ku lahaa hogaanka Itoobiya, balse awooddaas ayaa meesha ka baxday tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %