-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Wararkii ugu dambeeyay rasaas lagu furay colonyo uu lasocday madaxweynihii hore Xassan Shiikh Maxamuud.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:1 Minute, 13 Second

Muqdisho(Weheliye Online) Saraakiisha mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya ay rasaaseeyeen kolonyo baabuur ah oo galbinaysay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyne.

Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow Maxkamadda Gobolka Banaadir. Rasaastaas ayaa la sheegay inaysan sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inay dhacday dhacdadaasi, waxayna sheegeen inay ahayd arrin u dhacday si shil ah oo aysan ahayn ula kac.

Wasiirka Caddaalladda ee dawladda federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inay arrintaas ka raali-gelinayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiika oo la hadlayey warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ahaa shilkaasi mid aan lagu talogelin.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dhacdadan ay ku lug lahaayeen ciidamada asluubta. Wasiirka ayaa intaaas ku daray in dhacdadaas baaritaan lagu samaynayo.

Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sheegay inuu la socday Madaxweynihii hore xilligii la rasaaseeyey ayaa ku sheegay bartiisa twitter-ka in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu baaritaan ku sameeyo, sida uu hadalka u dhigay, “isku dayga dil” ee ka dhanka ahaa Madaxweynihii hore. Waxa uu sheegay inay arrintaasi tahay “daandaasi aan la aqbali karin”.

Dhawaan ayeey aheed markii sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka lagu rasaaseeyay inta u dhaxeeysa tarabuunka iyo warshada caanaha ee gobolka banadir.

Mucaaradka ayaa muujinaya feejignaan dheer kadib markii la bartilmaameed saday colonyo uu la socday madaxweynii xasan sh maxamuud.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!