spot_img
spot_img

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday Hotel Sahafi iyo wali rasaas laga maqlayo gudaha Hotelka

Must read

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qaraxyo ismiidaamin oo daqiiqado u dhaxeeyay oo goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, iyadoo qaraxyada oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu kala weeraray Hotelka Saxafi iyo Xarunta CID oo isku dhow.

Qarax koowaad ayaa ka dhacay afaafka hore ee barta Koontarool ee Xarunta CID, halka qaraxa labaad uu ka dhacay afabafka hore ee iridka Hotelka Saxafi.

Intaas kaddib dabley hubeysan ayaa la sheegay inay isku dayday in dhabarka dambe ee Hotelka Saxafi ka soo gashay, taasoo aheyd xeelad cusub oo aan looga baran Al-Shabaab, marka weerarada qaraxyada ku weeraran Hotelada.

Wararka ayaa sheegaya in Ilaalada Hotelka ee ku sugneyd dhabarka dambe ay toogteen afar ka mid ah dableydii hubeysneyd.

Sidoo kale qarax saddexaad ayaa goob aan ka fogeyn Hotelada Saxafi iyo Xayaat ka dhacay, kaasoo ahaa gaarigii ay ka dageen dableydii hubeysneyd ee isku dayday inay galaan Hotelka.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha, iyadoo la soo sheegayo dhimasho iyo dhaawac oo ka dhalatay labadii qarax ee u horeeyay ee ka dhacay wadada laamiga hor mara Xarunta CID iyo Hotelka Saxafi.

Saddex sano ka hor 1-dii bishii November sanadkii 2015 ayay aheyd markii weerar is qarxin ah iyo mid toos ah lagu qaaday Hotelka Saxafi, waxaa weerarkaas ku dhintay Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Jen. Dhegabadan, Ganacsade C/rashiid Ilqeyte oo ahaa Milkiilaha Hotelka Saxafi iyo Xildhibaan Abtidoon.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!