spot_img
spot_img
0 0

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Taliska Booliska oo war kasoo saaray qaraxa ka dhacay isgooska Ceelgaabta.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:56 Second

Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgooska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Dad ka ag dhaw goobta qaraxu ka dhacay oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxa inkastoo weli aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Dhawaaqa rasaasta ayaa la maqalayaa, iyada oo la xiray isku socodka dadka iyo gaadiidka ee isgooska.
Goobta qaraxa uu ka dhacay waa isgoos uu ku yaalo bar kontrool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, waxaa inta badan halkaas isticmaala madaxda ugu sareysa dalka.

Dhanka kale Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qaraxa is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyey in qaraxa loo adeegsaday gaari ay Alshabaab ka soo buuxiyeem waxyaabaha qarxa.

Waxa uu sheegay in uu jiro khasaare soo gaaray dad shacab ah, in kastoo uusan sheegin tirada rasmiga ah.
Dhanka kale , warar aan helnay ayaa tilmaamaya in dad shacab iyo ciidan iskugu jira ay ku geeriyooday qaraxa, halka ay dhaawacyo sidoo kale jiraan.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!