Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho+Sawiro.

Qarax aad u xoogan ayaa ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa sababay gubashada seddex gawaari oo yaalay agagaarka isgoyska Xaaji Baasto ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow Hotelka Mubaarak oo ku dhow isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka Gurmadka deg dega iyo wariyaasha ayaa horey loo diiday inay horey ka tagaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan, waxaana gabi ahaanba la xiray agagaarka goobta qaraxa uu ka dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu agaa mid gaari lag xiray, kaasi oo sababay in gaadiid badan oo la dhigay agagaarka Hotela Mubaarak ay gubtaan.

Lama sheegin illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa marka laga reebo gubashada seddex gawaari.

Halkaan ka daawo muqaalka qaraxa.

La soco waxii kusoo kordhaa.

About A.Hussein 1134 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan