-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Waqtiga La Qabanayo Doorashada Aqalka Sare Ee Puntland oo la shaaciyay.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:47 Second

Gudoomiyaha golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntlan Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa goordhaw shaaciyay xiliga ay qabsoomeyso doorashada xubnaha Aqalka sare ka soo galaya Dowlad Goboleedka Puntland.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa lagu sheegay in Musharixiinta iyo dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka beri oo arbaca ah ay bilaabaneyso doorashada Aqalka sare.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca, Haddii Eebbe Idmo”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Puntland ayaa noqoneyso dowlad goboleedkii 3aad ee soo magacaaba xubnaha aqalka sare ee ka soo galay Puntland,halka ay Hirshabelle iyo GalMudug ay wali Harsan yihiin.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!