spot_img
spot_img

Wafdi uu hor kacayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaallo madaxda Hirshabelle ee Jowhar

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Jowhar (iftinews network) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

 

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar ku soo dhoweeyay Madaxda Maamulka Hirshabeelle, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa salka ku haya dhagax dhigga mashaariic kala duwan oo laga hirgelinayo magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa uu safarkiisa la xiriiraa garab istaaga maamuloa Hirshabeelle oo dhowaan ka soo go’ay maamul goboleedyada, lana heshiiyay dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa sugida amniga wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ka qeyb qaadanaya Ciidamo Milateri oo dhowaan ka baxay Muqdisho.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!