Wafdi Heer Caalami Ah Oo Gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Latra-gareen ayaa xarunta Madaxtooyada kusoo dhoweeyay maanta wafdi uu horkacayo Wakiilka QM u qaabilsan Soomaliya James Swan, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdiga , EU Nicolas Berlanga, Midowga  Afrika Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Soo dhaweynta kadib Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa kulan la qaatay wafdiga heerka caalami ee maanta gaaray Baydhabo, waxayna kawada hadlen xoojinta arrimaha doorashooyinka iyo xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, xoojinta amniga ee xilliga kala guurka, arrimaha gargaarka iyo ka hortaga cudurka COVID-19.

Dhankooda wakiilada ayaa aad u bogaadiyay doorka uu madaxweyne lafta-gareen kulaha qabsoomida shirkii looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah.

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan