Wade Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
235
0 0
Read Time:38 Second

Barkhadnimadii maanta waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Sida wararka aynu ku heleyno Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa rasaas hubiyay darawalka waday mooto Bajaajta.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Isgooyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Askariga iyo wadaha Mooto Bajaajta uu dhexmaray muran muddo kooban socday taas oo markii dambe keentay in askariga uu rasaas la dhaco darawalka.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Liiban Abeesow, wuxuuna ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysta mootada, wuxuuna ka shaqeyn jiray ex-kontrool afgooye ilaa degmada Afgooye.

Beryihii ugu dambeeyay Waxaa sii yaraanayay dilalka ay askarta u geeystan dhalinyarada wada mooto bajaajta, waxaana inta badan Askarta iyo Wadaha Bajaajta dhexmara muran taaso marka damba keenta inuu askariga rasaas ku furo.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %