Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo ku dhintay dagaal saakay ka dhacay Gaalkacyo.

0
115
0 0
Read Time:26 Second

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Puntland G/sare Cusmaan Cumar Maxamed uu ku dhintay dagaal ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii howlgal ay sameeyeen Ciidamada Madaxtooyada Puntland ay ku qaadeen Warshada Kabista Gaalkacyo oo ay heysteen Maleeshiyo hubeysan.

Wararka ayaa intaa ku daraya Ciidamada Madaxtooyada ay saaka dagaal kula wareegeen Warshada ay heysteen Maleeshiyada hubeysan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku sugnaa Madaxweynaha Puntland, iyadoo howlgallo amniga lagu sugayay uu ka socday magaalada.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %