spot_img
spot_img
0 0

Taliyaha qeybta 27-aad ee Xoogga Dalka oo kormeer ku tagay Xeryahay Ciidanka Xoogga ee Duuleedka Baladweyne

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:42 Second

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare  Maxamed Maxamuud  Koronto iyo   saraakiil  ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay booqday afar xero oo ay ciidanka ku leeyihiin duleedka magaalada Baladweyn, si ay u dhiiri galiyaan  Ciidanka Xoogga Dalka ee joogaa Gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo la hadlay boqolaal ciidamada uu booqashadda ugu tagay ayaa kula dardaarmay in ay muujiyaan dadaalo dheeri ah si ay u gutaan waajibka ka saaran dalka iyo shacabka ay u dhaarteen

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka dalbaday shacabka gobolka Hiiraan iney la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka si loo fududeeyo howlagalada ciidanku ay ka wadaan gobolka Hiiraan.

Booqashada saraakiisha uu horkacayo Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare  Maxamed Maxamuud  Koronto ayaa qeyb ka ah dadaalada la dooonayo in lagu dardar galiyo howlagalo balaaran oo ay ka wadaan Gobolka Hiiraan

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!