spot_img
spot_img
0 0

Tabbabarihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda Kolayga macallin Cabdi Maxamed Cige oo ku magac dheeraa Cabdi Dheere oo ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:38 Second
Tabbabarihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda Kolayga macallin Cabdi Maxamed Cige oo ku magac dheeraa Cabdi Dheere ayaa galinkii dambe ee shalay ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada.

Tabbabare Cabdi Dheere ayaa wuxuu ka mid ahaa cayaartooydii kooxda Jeenyo ee dhowr jeer qaaday horyaalka kubadda kolayga sannadihii 80 tamaadka, wuxuuna ka mid  noqday tabbabarayaashii kubadda kuleyga ee qaranka Soomaaliyeed.

Intii uu ahaa tabbabaraha qaranka, macallin Cabdi Dheere waxaa kooxda qaranka ee kubadda kolayga u suura-gashay in ay guulu ka soo hooyaan qaaradda Afrika iyo waliba jaamacadda carabta.
Kooxda Kubadda Koleyga ee Jeenyo
Kooxda Kubadda Koleyga ee Jeenyo


Allaha u naxaristo tabbabare,Cabdi Dheere ayaa in muddo ahba ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla magaalada Toronto, waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Toronto oo uu in muddo ah degganaa.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!