spot_img
spot_img

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Kawada Hadlay Xiriirka Labada Dal+Sawirro

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  Safiirka Talyaaniga u fadhiya Somalia Mudane Carlo Campanile.  iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa muujiyay sida uu ugu riyaaqsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga,

Dhanka kale  Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu dib u soo celiyo iskaashiga qotada dheer ee kala dhexeyn jiray Soomaaliya si loo xoojiyo wax wadaagga heer kastaba leh, isagoo tilmaamay in Roma ay joogtayn doonto isku duwidda heerka sare ee Muqdisho si loo ballaariyo iskaashi wax ku ool ah oo ka dhasha mas’uuliyadda qaran oo ka guul keenta rajooyinka muwaadiniinta.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!