Somaliland oo Aad u Adkeesay Amniga Magaalooyinka Hargeysa, Burco,Boorame iyo Qatar dhanka amniga ah.

0
146
0 0
Read Time:37 Second

Wararka naga soo gaarayo Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame ayaa ku waramaya in Ciidanka Somaliland ay labadii cisho ee lasoo dhaafay ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinayay Ammaanka guud ee magaalooyinkaas.

Dadka kunool Magaalooyinkaasi ayaa sheegaya in baaritaanada ay yihiin kuwo aan horay looga baran Ciidanka, islamarkaana heegan buuxa la galiyay oo sidoo kale ay jiraan wadooyin ay xireen.

Ciidanka ayaa sidoo kale dadka qaar weydiinaya aqoonsiga iyo sidoo kale cida ka dabiinta ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan qatar ah oo amni oo ay ogaadeen sirdoonka Somaliland oo sheegayay in weeraro ka dhici karaan Magaalooyinkaasi.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ugu ammaanka wanaagsan Soomaaliya, waxaana sanadyadii lasoo dhaafay ka jirtay xasilooni dhanka nabadgaliyadda ah oo la isku haleyn karo.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %