madaxweynaha maamulka Puntland ayaa caawa magaalada Garoowe uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, maalmo yar kadib markii maamulkiisa uu soo xiray xulashadii golaha shacabka.
Saciid Deni ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu kula hadlayay xildhibaanadii Puntland ku metelaya baarlamaankan 11-aad, isagoo ka dalbaday iney kala shaqeeyaan sidii isbedel dhab ah uu dalka uga dhici lahaa oo ay isaga codka u siin lahaayeen.
“Hadafka ugu weyn ee aan leenahay waxa weeye, in uusan sii joogi karin Maxamed C/llaahi Farmaajo xilka, oo ay adag tahay in dalkaan horay u soo socdo, waxaa rabaa inaan kala shaqeeyo cid kasta oo hadafkaas leh” ayui yiri musharaxa.
Arrintan ayaa banaanka u soo saareysa hadal bilooyinkanba suuqa ku jirtay oo la xiriirtay musharaxnimada Deni, isagoo soo saartay xildhibaabo u badnaa wasiiro, saraakiil ciidan iyo gudoomiyayaal gobol oo maamulkiisa ahaa.
Waxa uu sidoo kale ku tashanayaa xubnaha ka soo baxay Jubaland oo uu u soo saaray saaxiibkiis Axmed Madoobe, iyadoo aan la ogeyn sida ay ugu suura gali karto inuu kaalmaha hore kaga soo gudbo tartanka doorashada madaxtinimo ee sanadan oo ka adag sanadihii hore.