spot_img
spot_img
0 0

Shirkii ay maanta ku madal sanaayeen Madaxda Maamul goboleedyada dalka oo baaqday

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:46 Second

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa  sheegaya in shirkii madaxda maamul goboleedyada  oo lagu waday inuu dib u dhac  kuyimid shirkii lagu waday inuu maanta ugaga furmo madaxda maamul goboleedyada magaalada Kismaayo.

Dib u dhaca shirka ayaa yimid  kadib markii uu maanta gaaray magaalada Kismaayo ergeyga gaarka ee qaamada Midoobay Keating uuna kulan la yeeshay  madaxda maamul goboleedyada oo dhammaantood ku sugan magaalada Kismaayo.

Ilo  ku dhow dhow  shirka ayaa sheegaya in danjire Keating uu ka codsaday madaxda maamul  goboleedyada  inay dib u dhigaan shirka isla markaana laga wadahadlo sidii  loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira maamul  goboleedyada  dalka iyo dowlada  federalka ah.

Si rasmi ah looma oga xilliga uu bilaabanayo shirka balse warar ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada  ay aqbaleen in illaa beri shirka dib loo dhigo.

Shirkan madaxda maamul  goboledyada ay ku yeelanayaan magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmay xilli uu dalka safar dibada ugaga maqan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!