-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Sawirro:-Diyaarad Siday Gaadiid ciidan Oo Ka Degtay Magaalada Baladweyne

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:46 Second

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxa gaaray Diyaarad sida gaadiid nooca ay isticmaalaan Ciidamada Booliska iyo Mootooyin ayaa gelinkii dambe ee shalay ka degtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif internetion Airport.

Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegtay in gaadiid gaaraya ilaa 5 Cabdi bile iyo Mootooyinka nooca laba lugaaleyda ay gaarsiisay Magaalada Baladweyne, laguna wareejiyay Maamulka Gobolka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in gaadiidkan ay adeegsan doonaan Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan iyo kuwa Booliska Baladweyne, isla markaana loogu tala-galay inay ku shaqeeyaan Ciidanka.

Sidoo kale Ciidamada Booliska Hirshabeelle ayaa gaadiidka iyo Mootooyinka isticmaali doona, xiliyada ay sameeynayaan howlgalada kala duwan ee lagu xaqiijiyo amniga Gobolka, waxaana gaadiidka uu yahay 5 Gaari iyo afar Mooto oo laba lugaaley ah.

Tallaabadan gaadiidka lagu geeyay Baladweyne ayaa waxaa ay kusoo aadeysa, iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda Magaaladaas ay ka dhacdaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Hirshabeelle.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!