Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo Muqdisho lagu dilay.

Wararka aan ka helyno magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay toogasho ku dilee sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya

Sarkaal ka la dilay ayaa ka mid ahaay ciidamada xoogga dalka,waxana magaciisa lagu sheegay Cabdi Maxamed Culusow.

Dilka sarkaalkaan ayaa ka dhacay meel aan sidaas kuga fogeyn Saldhigga  Booliska degmada Waaberi, sida la xaqiijiyay, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Sarkaalkan ayaa horay uga qeyb qaatay howlgaladii ka dhanka ahaa Al-shabaab ee Muqdisho qeybo ka mid ah looga saaray.

Ciidamada amaanka oo ka agdhawaay halka uu dilka ka dhacay ayaa la sheegay in ay ku guul dareysteen in ay soo qabtaan kooxi dilka geystay,
waxana lagu waramayaa in ay baaritaano ay ka sameynayaan halkaas.

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan