spot_img
spot_img

Sargaal ka tirsan ciidanka Milateriga dalka oo lagu dilay Baladweyn

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay ku dileen Sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Labo Xidigle Muumin Xasan Garaad, waxaana la sheegay inay baxsadeen kooxihii hubeysnaa ee dilka geystay.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa howlgalo ka wada xaafadaha magaalada Beledweyn, iyagoo baadigoobaya kooxihii dilka ka dambeeyay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada amni ee magaalada Beledweyn ay maalmihii u dambeeyay sii xumaaneysay, isla markaana dilal dhowr ah ay ka dhaceen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Sarkaalka, idaacada Andulus ee ku hadasha afka Shabaabka ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay sarkaalka uu u dhacay sidii loogu tala galay.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!