Saraakishiil sare iyo ciidamo ka soo goostay Jubbaland oo lagu soo bandhigay G/Gedo

0
47
0 0
Read Time:47 Second

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo iyo saraakiil ka goostay Jubbaland ay gaareen degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay  maamusho dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamadaas waxaa hoggaaminaya Taliyihii ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee magaalada Dhoobley Daa’uud Macalin Gaab, waxayna iska dhiibeen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Maamulka gobolka Gedo ee taabacsan dowladda federaalka ayaa warbaahinta u soo bandhigay ciidamadaas, waxaana warbaahinta la hadlay taliyihii hoggaaminayey Daa’uud Macalin oo ka sheegeeyey sababta ay uga soo bexeen Jubbaland.

“Wax badan ayey Soomaaliya burbur iyo qalalaase ku soo jirtay, maanta oo calankeedii uu taagan yahay, in askar Soomaaliyeed lagu abaabulo gudaha dalka Kenya, si ay ula dagaalamaan oo looga hor geeyo calankii Qaranka, waa noo suurta geli waayey fikirkaas,” ayuu yiri Taliye Daa’uud Macalin Gaab.

Dowladda dhexe ayaa guud ahaanba gobolka Gedo ka saartay gacanta Jubbaland, waxayna ku daabushay ciidamo laga qaaday Muqdisho, taas oo culeys iyo khilaaf badan badan biday deegaanada Jubbaland.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %