Saddex Ruux Oo Ku Geriyootay Duqeyn Xalay Ka Dhacday Gobolka Gedo.

0
258
0 0
Read Time:33 Second

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal ay Xalay duqeyn ka geestay degaano hoos yimaada degmooyinka Ceel-waaq iyo Baardheere oo ka tirsan gobalka Gedo waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Milateriga ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa  sheegay in degaanka Cows-qurun oo qiyaastii 70 km koofur kaga beegan Ceel-waaq ay ku geeriyootay Haweeney iyo laba caruur ah oo ay dhashay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid kamid caruurta soo gaaray dhaawac culus balse ay geeriyoodeen Hooyada iyo canugga kale.

Si rasmi ah looma oga cidda ka dambeysa duqeyntaas  hase yeeshee waxay Milateriga Soomaaliya ku eedeeyeen ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Somalia.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %