RW Rooble Oo Fariin Culus U Diray Ciidanka Amniga Dowladda.

0
176
0 0
Read Time:50 Second

Ra`iisal Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka qeyb galay Munaasabad weyn oo loogu Baroor diiqayay dadkii ku haligmay Qaraxii 14-kii Octoober ee sanadii 2017 ka dhacay Isgooyska Mashquulka badan ee Soobe.

Maxamed Xuseen Rooble Ra`iisal wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo goobta baroor diiqa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay ayaa faray ciidank amniga ee dowladda Soomaaliya, inay aad u adkeeyan amniga guud ee dalka, isla markaana Kormeero joogta ah ay ku sameeyan goob kasta oo ay shacabka ugu tilmaman inay halis taallo.

Dhinaca kale RW Rooble ayaa ku baaqay dagaal ka dhana Alshabaab , isagoona sheegay inay ka hortagayan ayna la dirirayaan waxa uu ku tilmaamay argagaxisada.

Ra`iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukumadiisa cusub ee soo socota isla markaana uu soo dhisi doono ay la imaan doonto waji cusub oo amniga wax looga qabanayo.

587 qof ayaa naftooda ku waayay qaraxii Soobe, wuxuuna noqday qaraxii ugu saameynta badna Soomaaliya, iyadoo goobtii uu ka dhacay qaraxa loo bixiyay 14 Octoober.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %