Xiddiga Real Madrid Rodrygo ayaa dhaliyay seddexleey cajiib ah kulankii ay Real Madrid 6-0 kaga badisay Galatasaray, isagoo noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu da ‘yaraa ee dhaliya seddexleey UCL ka dib halyeeyga Los Blancos Raul. 18 jirkan ayaa loo arkaa inuu yahay mustaqbalka Real Madrid taageerayaasheeda.
Dhanka Barcelona, waxay leeyihiin Ansu Fati, Salzburgna waxay leeyihiin Haaland, markaa waa ayo xidiga da’da yar ee mustaqbalka kooxdaada?