spot_img
spot_img
0 0

Ra’isul wasaare Rooble oo baaq u diray madaxda Dowlad Gobolleedyada ka maqan shirarka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:48 Second

MUQDISHO (weheliye Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xusseen Rooble oo maalintii shalay kulan la yeeshay wakiilo ka socday beesha caalamka ayaa ugu baaqay madaxda dowlad gobolleedyada ee ka maqan kulamada wadatashiga Qaran ee doorashooyinka in ay ka soo qeybgalaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa yiri ”“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan,si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira” 

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in miiska wada hadalka lagu xaliyo wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay si loo gaaro isfaham la xiriira doorasho deg deg ku dhacda.

Hadalka Ra’iisal Wasaaraha ayaa imanaya xili wali madaxda dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ka biyo diidan yihiin ka qeybgalka kulanka guud ee la doonayo in xalka looga gaaro ismariwaaga doorashada, iyaga oo ku xiray sharuudo dhowr ah oo aan u cuntamin madaxtooyada Soomaaliya.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!