Global Statistics

All countries
195,407,759
Confirmed
Updated on July 27, 2021 8:44 am
All countries
175,514,510
Recovered
Updated on July 27, 2021 8:44 am
All countries
4,183,523
Deaths
Updated on July 27, 2021 8:44 am

Global Statistics

All countries
195,407,759
Confirmed
Updated on July 27, 2021 8:44 am
All countries
175,514,510
Recovered
Updated on July 27, 2021 8:44 am
All countries
4,183,523
Deaths
Updated on July 27, 2021 8:44 am

Ra’iisul Wasaare Rooble oo safar ku tegay magaalada Jowhar oo muddo bil ay go’odoomiyeen Fataahaado iyo Al-Shabaab.

JOWHAR(Weheliye Online)-Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle oo muddo bil ah ay biyo go’odoomiyeen.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaysa iyadoo muddo bil ah magaalada Jowhar ay saddex jiho ay biyo ugaga hareereysan yihiin ayna maciishada nolosha sare u kacday.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gargaarka ee dowlada Federalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye,wasiirka warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale.

Maamulka Hirshabelle ayaa waxa uu dhowaan kuy eedeeyay dowlada federalka inay iska indho tirayso dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha wabiga Shabelle ayna hakisay dhaqaale wadamo ka mid ah caalamka ay ugu deeqeen wax ka qabashada fatahaadaha.

Kumanaan qoys ayaa ku barakacay fatahaad ka dhalatay wabiga Shabelle horaantii bishii aynu ka soo gudubnay iyadoo sidoo kale fatahaaduna ay baabi’isay kumanaan hekter oo ay dalagyo kala duwan ku abuurnaayeen.

Inta badan dadka ka barakacay fatahaada uu sameeyay wabiga shabelle ayaa gaaray deegano ay maciin bideen ,balse aysan ku heysan Hooy iyo gabaad midna.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo shalay gaaray magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay magaalada Jowhar iyadoo diyaarad helikabtar ah ay ka soo dejisay ra’iisul wasaaraha saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin dhinaca Bari ee magaalada Jowhar.

spot_imgspot_img
spot_img

Hot Topics

Related Articles

error: Content is protected !!