Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore oo ka tanaasulay midnimada soomaaliya kuna laabtay Hargeysa(Akhriso cafiska Muuse Biixi).

0
193
0 0
Read Time:43 Second

Warar aan ka heleyno magaalada caasimada somaliland ee Hargeysa ayaa sheegaya in Ra’isul wasaare ku xigeenkii hore ee soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Carte uu dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa oo uu asal ahaan kasoo jeedo , kana baxay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Maxamed cumar oo hadda ahaay Xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka ayaa is-casilaadisa ka dambeysay iyadoo uu doonayo in uu tago magaalada Hargeysa oo uu ku xanuunsanayo abihii uusan muddo dheer arag.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in xiriir dhaxmaray Madaxweynaha Somaliland Mudane Mudane Muuse biixi iyo Maxamed cumar carte,si uu u gaaro magaalada Hargeysa,Taaso keenta in uu ka tanaasulo xilka uu hayay Dowlada federaalka Soomaaliya,kana laabto siyaasadii midnimada soomaaliya.sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada somaliland.

Siyaasiinta ka soo jeeda deeganada Somaliland ayaa markii dib ugu laabanayaan laga rabaa in ay cafis weydiistaan maamulka,kana tanaasulaan Midnimada Somalia.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %