
Ra`iisal wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyay sababta iyo qorshaha loo furay waddooyinka Halbowlaha u ah magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Raiisal wasaare Rooble oo maanta ka hadlay munaasabada waddo furista Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya maanta laga bilaabo ay furtay waddooyinka Muqdisho oo uu sheegay isaga xita uu ku dhibtooday intan loo dooran Ra
iisal wasaaraha dalka.
Wasiirka 1aad ee dalka ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si loo dhameystiro waddo furista, iyadoo weli ay jiraan waddooyin qaar oo xiran.