spot_img
spot_img

Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka oo markii ugu horeysay ka hadashay Mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadshay mooshinka ay xildhibaanada ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya

Mahadi Maxamed Guulleed Khadar Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa isagana sheegay inuu jabay mooshinka laga keenay madaxweynaha, sida uu horeyba u sheegay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

‘’In madaxweynaha mooshi laga keenno xil ka qaadis ah waa arin u baahan baaritaan qoto dheer oo dhinacyo badan oo laga yaabo in ay sanad socoto wax sahlan ma’aha ayuu yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka.

Wuxuu sheegay in marka cadeymahaa oo dhan la helo madaxweynuhu xaq u leeyahay in uu iska difaaco eedeymaha loo soo jeediyay, laakiin waxaa uu meesha ka saaray in uu jiro mooshin sharci ah oo hadda Golaha ka yaala madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo malintii shalay qoraal soo saaray ayaa sheegay in uu qabtay mooshin ay madaxweynaha ka keeneen 92 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka lana waafajin doono sida uu hadalka u dhigay sharciga iyo xeer hoosaadka u yaala Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama oga halka uu sal dhiga doono qilaafka u dhaxeeya Madaxda dalka’waxana xusid mudan in ay jiraan dadaalo heer caalami oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay Mooshinka ay kudbiyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!