Qoyska Marxuum Cali Khaliif Galeyr Oo Markii Ugu Horeysay Shaaciyay Inuu U Geeriyooday COVID-19

0
221
0 0
Read Time:37 Second

Qoyska AUN Ra`iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaciyay inuu u geeriyooday cudurka halista badan ee COVID-19.

Cali Khaliif Galeyr oo muddooyinkii dambe la xanuusanayay cudurka ayaa ugu dambeyn u geeriyooday, iyadoo qoyskiisa ay shaaciyen.

Sidoo kale Qoyska marxuumka waxaa Munaasabad baroordiiq ah u sameeyay sii haayaha ra`iisal wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Guulled Khadar.

Wuxuuna marxuum Cali Khaliif Galeyr Alle ugu baryay inuu janada ka waraabiyo, Mahdi Guulled ayaa sidoo kale sheegay in aaska qaran ee loo sameeyay marxuum Cali Khaliif Galeyr uu ka tarjumayo in shacabka soomaaliyeed ay xasuusan yihiin doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay dowladnimada.

Cali Khaliif Galeyr ayaa maalmo ka hor ku geeryooday magaalada jigjiga , waxaana la sheegay inuu u dhintay cudurka COVID-19.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %