QM Oo Malaayin Doollar Ugu Deeqay Soomaaliya.

0
104
0 0
Read Time:50 Second

Hey`adda Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa sheegtay QM ay soomaliya ugu deeqday Malaayin Doollar ah si wax loogu qabto dadka ay saameeyeen fatahaadihii ka dhacay Soomaaliya.

Lacagta lagu deeqay Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay tahay $9.26 Milyan oo doolar ah, iyadoona lagu tala galay in lagu caawiyo dadka uu saameeyay fatahadaha.

Deeqdan waxaa gacanta loo gelin doona hey`addaha caalamiga ah ee ka howlgalla gobolada Hiiraan, Jubadda Hoose, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe iyadoo loo kala eegi doono sida loo kal baahi badan yahay.

$8.18 milyan oo lacagtaasi ka mida waxaa loo qoondeeyay in lagu bixiyo , cuntada , hooyga,xarumaha caafimaadka, biyaha,nadaafadda iyo fayadhowrka.
sidoo  kale waxaa lagu xoojin doona daryeelka caruurta iyo ka hortagga xadgudubka dumarka lagula kaco.

$1.8 Milyan oo kamida lacagtasi waxaa loo qoondeeyay caafimaadka iyo nafaqeynta dhallaanka, waxbarashada iyo ilaalinta caruurta.

Sanduuqa gargaarka bani`aadannimada QM ee Soomaaliya ayaa $40.2 milyan ka helay dalalka , Australia, Canada, Denmark, Germany, Ireland, Kuuriyada koofureed, Luxembourg, Netherlands. Norway, Sweden iyo Switzerland.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %